Arbeit und Bildung Schwalm somali

Shaqo iyo Barasho Schwalm, Schwalmstadt

Xafiiska talo bixinta dadka soo qaxay ee Bleib in, magalada Schwalm- Eder-Kreis

Maxaan idiin qabanaynaa

Waxaan latalinaa/ kaalmaynaa dadka soo qaxay, ee qaaxootinimada codsaday, anagoo aan fiirinaynin wadankiisa, ama inuu degenaan xaq u leeyay iyo in kale. Waxaa hadaf noo ah inaan qofka tusno/ gayno suuqa shaqada. Waxaan tusaynaa jidka suuqa shaqada, waxaan lahagajinaynaa failka codsiga shaqada, waxaan laradinaynaa shaqada tababarka iyo goobtii shaqada intaba. Intaa kabadana waxaan la raadinaynaa korsihii luqada uu kabaran lahaa iyo dhamaan wixii kale ee shaqada u carbin lahaa.

Dumarka soo qaxay waxaan u haynaa talo bixin gaar ah, oo ka imanaysa dumar kuna aadan dumar. Usbuuc kasta waxaan hal jeer lasamaynaa qureec ugaar ah dumarka. Halkaas ayay dumarka soo qaxay iman karaan iyadoo ilmaheeda wata, waxayna helaysaa dad aamin ah/ kalsooni ah oo kala talin kara dumarka danahooda oo dhan.

Dhamaan hayadaha kuyaala magaalada Schwalm sida Jobcenter, xafiisyada arimaha qaaxootiga iyo hayada shaqada way wada shaqeeyaan wayna isku xiran yihiin, anaguna kuwaas ayaan qayb kanahay. waxaana si gaar ah ula shaqaynaa hayada Hormarinta iyo is dhexgalka (IQ), anagoo kala xariira dhinaca qiimaynta iyo citirafka shahaadooyinka iyo khibradaha wadamada dibada.

Yaa nahay anagu

Hayada shaqada iyo tababarku waxay mudo 30 sano ah guulo badan ka keentay, inay dad badan tusaalayso, gaarsiiso shaqooyin ay kugaareen mustaqbal iyo horumar wanaagsan. Dadka soo qaxay danahoodana mudo ayaan soo wadnay oon ka shaqaynay.







Hessenkarte




	
	Schwalm-
	Eder-
	Kreis

Qofka lala xariiri

BLEIB in Hessen II

Arbeit und Bildung e.V.

Marktplatz 18 | 34613 Schwalmstadt-Treysa

06691 927298

Esther Padalsky

padalsky@arbeit-und-bildung.de

Holger Rothenmayer

rothenmayer@arbeit-und-bildung.de

Saacadaha shaqada:

Saacadaha shaqada ee furan
Isniin ila iyo Jimce; Sacada 10:00 ilaa 13:00


Sacadaha shaqada ee dumarka u gaarka ah
Talado: Sacada 10:00 ilaa 13:00